Xabad Colaad - CEELKII SHARAFTA

Xabad Colaad - CEELKII SHARAFTA Heesta: Ceelkii sharafta. Erayada: Ismaaciil Jiheeye. Codka: Xabad Colaad Laxamka: Mustafe Kiiko. Organ: Sacad muuse. Zecsiphone: Maxd Alto. Record: carabloow Abwaan ismaaciil yuusuf cabdi (Jiheeye), waa Abwaan 22 sano suugaanyahan ahaa, sidoo kale 17-sanana Macalin Suugaaneed ka ahaa Dugsiyada iyo Jaamacadaha Dalka, 12sanana ahaa Qoraa. Wuxuu dhashay 1982, waxa uu ka mid ahaa ardey fasalka koowaad ka bilawdey, kolkii Dawlada soomaaliland lagu dhawaaqay, sagaal sano kana gaadhey ilaa heer Jaamacadeed, kolkuu iskuulka sagaal sano dhiganaayey ayuu si dhaba isku hubsadey in uu Abwaan yahay, sagaal sano kolkuu suugaanta ku jireyna wuxuu noqdey, soo saarey buugiisii koowaad ee (SAMA-DOON) waxa uu Heeso u dhiibay Fanaaniin aan ka yarayn 100 fanaan oo caan ah, wuxuu leeyahay Suugaan Diiniya, Wadaniya, Siyaasiya, Duco ah, Baroordiiq ah, Waano ah, Jacayl ah, sidoo kalana aan ka madhneyn, dhinaca Maada iyo maaweeladda. Abwaan ismaaciil jiheeye,
Back to Top